Xafiiska Hanti-dhawrka Guud Ee DDS oo sii kordhinaya dadaalada uu ugu jiro sidii shaqaalaha ka hawlgala loo kobcin lahaa heerka aqoontooda ayaa maanta Hanti-dhawreyaasha DDS uqabtay laba tababar.
Waxaana furay Wasiirku Xigeenka Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud Ee DDS kaasoona tababarqaateyaasha ku booriyay sidii ay fahansare ugu yeeshaan tababartayaashu cashirada ay qaadanayaan si ay kor ugu qaadaan hawlqabadka shaqadooda.
Tababarka koowaad oo ay soo diyaarisay waaxda horumarinta cududa shaqaalaha ee xafiisku waxa uu ahaa tababar ku saabsan Xeer-nimaadeeka Tirsi 5/2011 oo ah xeer-nidaameedka golaha xildhibaanada ee ku soo baxay maamulka shaqaalaha xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee DDS.
Tababarka labaad ayaa isna ahaa hogaaminta (Leadership) ayaa sidoo kale ay hantidhawreyaashu ku qaadanayeen hogaaminta iyo astaamaha looga baahan yahay hogaamiyaha wangsan iyo aas-aaska hogaaminnimo ayaa waxaa isna bixinayay galinkii dambe Mudane: Muxiyadiin Cabdi Faarax ayaa si farshaxan sare leh ugu gudbiyay cashiradii tababarkan kujiray.
__________________________
XAFIISKA HANTI DHAWRKA GUUD EE DDS
WAAXDA XIDHIIDHKA DADWAYNAYA
Leave a Reply